Ankara, 15 May 2026 — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-26), taas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah laguna qabanayo magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Shirweynaha sanadkan ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga “Hagidda Xuduudaha Dhijitaalka ah”, iyadoo diiradda la saarayo waddooyinka nidaaminta ee lagu gaari karo mustaqbal dhijitaal oo adkaysi leh oo loo dhan yahay.

Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha, Maareeyaha Guud ayaa ka qeyb galay dood-cilmiyeed heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (Heads of Regulators’ Executive Roundtable), kaas oo ay madaxda hay’adahu kaga wada hadlayeen mudnaanta iyo caqabadaha waaweyn ee horyaalla qeybta dhijitaalka ah ee caalamka.

Maareeyaha ayaa sidoo kale qeybgalay dood-cilmiyeed heer sare ah oo looga hadlayay horumarinta shuruucda isgaarsiinta ee ku dhisan habab tijaabo ah, waxaana kulankaasi ka qeyb galay madax ka socotay dalalka Koonfur Afrika, Booland, iyo Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale wakiil ka socday Golaha Dhaqaalaha Adduunka.

Intii uu socday dood-cilmiyeedka, waxa uu ka hadlay shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaamyada tijaabada xeer-nidaaminta, iskaashiga heer gobol ee adeegyada ka gudba xuduudaha sida internet-ka dayax-gacmeedka iyo adeegyada maaliyadeed ee dhijitaalka ah, iyo muhiimadda ay leedahay in la sameeyo tijaabooyin xeer-nidaamineed oo gacan ka geysta yaraynta farqiga dhijitaalka ah halkii ay sii ballaarin lahaayeen.