Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gebagebeysay wejiga koowaad ee Barnaamijka Tababarka ee ku saabsanaa Shahaadooyinka Amniga Saaybarka ee shaqaalaha dowladda, taasoo astaan muhiim ah u ah dadaallada lagu xoojinayo xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha dowladda ee amniga saaybarka iyo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee qaranka.

Barnaamijka, oo socday intii u dhexeysay 29 Maarso ilaa 10 Maajo 2026, ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan waaxyaha ICT-da ee 21 hay’adood oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo lagu tababaray aqoon iyo xirfado u suurtagelinaya inay helaan shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan amniga saaybarka. Tababarka ayaa lagu bixiyay hannaan nidaamsan oo ku dhisan mudnaan iyo karti, waxaana lagu qabtay Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay munaasabadda gunaanadka barnaamijka tababarka, ayaa yiri: “Soo gabagabeynta wejigan koowaad waxay tallaabo muhiim ah u tahay dadaallada lagu dhisayo shaqaale xirfad sare leh oo awood u leh ilaalinta nidaamyada dhijitaalka ah ee dalkeenna iyo Kaabeyaasha Muhiimka ah ee Macluumaadka Qaranka. Hay’addu waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalladan iyada oo hirgelin doonta wejiyo kale oo dheeraad ah, si loo hubiyo in awoodda shaqaalaha ee amniga saaybarka ay la jaanqaaddo himilooyinka dhijitaalka ah ee dalka.”

Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka iyo sida ay uga go’neyd ka-qaybgalayaasha dhammeystirka barnaamijka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen u adeegsadaan xoojinta hababka amniga saaybarka ee hay’adahooda.

Barnaamijka ayaa ka koobnaa lix shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.

Ka dib markii ay si guul leh u dhammeysteen tababarka, ka-qaybgalayaasha oo ka kooban 15 Mas’uul oo ka kala socday 15 Hay’adood, waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin lagu aqoonsanayo dhammeystirka tababarka iyo heerka aqooneed ee ay gaareen intii uu socday Tababarka.

Barnaamijkan tababarka waxaa maalgeliyey oo taageeray Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeeyay Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI).

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay sii wadi doontaa ballaarinta barnaamijyada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfada amniga saaybarka, wax ka qabashada baahiyaha jira, iyo xoojinta iskaashiga lala leeyahay saaxiibadda iyo hay’addaha caalamiga ee ka shaqeeya amniga saaybarka ah, si loo sii horumariyo mustaqbalka dhijitaalka ah ee dalka.